Sawiro:-Shabaab oo ciidan u badan ajaanib tababar usoo xiray

Xarakada Al-Shabaab ayaa tababar u soo xiray dagaalyahano ka soo jeeda Kenya, kuwaasoo ka mid noqonaya dagaalamayaasha Al-Shabaab oo weeraro ku qaadaya gudaha Kenya.
 
Muuqaal Video ay baahisay garabka warbaahinta Al-Shabaab ee loo yaqaano Al-kataib ayaa waxaa ka soo muuqday dagaalyahano xirnaa dharka milateriga, wajigana u duubnaa, kuwaasoo dhoolatus ku sameynaya goob howdah oo ay beero ku yaallaan.
 
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa la hadlay dagaalyahanadan Kenyanka ah, waxaa auu sheegay inay ku soo biireen Al-Shabaab.
 
Waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ciidamadan cusub ay weeraro ku qaadi doonaan gudaha Kenya, waxaana uu kula dar daarmay inay si adag ula dagaalamaan dowladda Kenya.
 
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qorteen dhalinyaro Kenyan ah, waxaana la sheegay in boqolaal dagaalamayaal u dhashay Kenya ay ka bar bar dagaalamaan.