160-Arday oo ka qalanjabiyay jaamacada PSU Garowe

Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 159 arday oo dhammaystay lix kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Puntland State University (PSU).

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, xildhibaano, maamulka Jaamacadda, macaliin, xubno ka socdey jaamacadaha Puntland, ardayda Jaamacadda, waalidiin, ganacsato, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire oo ugu horayn munaasabadda ka ahdlay ayaa sheegay in ardaydaani ay soo dhammaysteen dhammaan wixii looga baahnaa, isla markaana 102 kamid ah ay ka shaqeeyaan xarumo kala gedisan, ayna u diyaarsan yihiin inaysan shaqo raadsan laakiin ay shaqo abuur sameeyaan.

Qaar kamid ah ardayda qalin jebisey oo soo bandhigay farxaddooda ayaa u mahadceliyey cid walba oo ka qayb qaadatay waxbarashadooda, waxaana ay balanqaadeen in wixii ay barteen ay dalka dib ugu celin doonaan.

Ganacsato, waalidiin, qurba joog, abwaaniin iyo xubno kale oo kahadlay munaasabadda ayaa u hambalyeeyey ardayda waxaana ay ku booriyeen inaysan tahriibin, waxbarashadoodana sii wataan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Awyuusuf Ciise oo hambalyo u diray ardayda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin kale oo farxadi u soo hoyatey dowladda iyo dadka Puntland, wuxuuna ardayda ku booriyey inay waxbarashadooda sii wataan.

Ugu dambayntiina gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo soo xiray xafladda ayaa balanqaaday in dowladdu ay waxbarashada dhiirigelin doonto, wuxuuna shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda qalin jebisey.