Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Xaflada Ololaha Daawaynta Xoolaha Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa manta 24, May, 2017 ka qayb galay xaflada ololaha daawaynta xoolaha Puntland oo ka qab soontay wasaarada xanaanada xoolaha Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa waxaa kuwehelinayey xafladani Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland iyo kuxigeenadiisa,  masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dawladda Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, shaqaalada wasaarada xanaanada xoolaha ee Dawladda Puntland, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kahadlay muhiimada ay leedahay daawaynta iyo sugida caafimaadka xoolaha Puntland ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin shaqaalaha loo xilsaarayn daawaynta xoolaha 43 koxood iyo 175 dhakhaatiir kuwaas oo dhammaantood ka hawl gelaya gobolada Puntland, waxaana uu wasaarada xanaanada xoolaha Dawladda Puntland iyo hay’adda FAO oo iyadu leh maalgelinta mashruucani ku amaanay shadda balaadhan ee ay u hayaan ummadooda.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in xoolaha nool ay laf dhabar u yihiin Soomaalida, isla markaana ay noloshoodu ku xidhan tahay dhaqida iyo xanaanaynta xoolaha, waxaana uu cadeeyey in wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ay tahay wasaarada ugu muhiimsan ee ka jirta Puntland.

Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wakhtigani yahay xiligii ugu muhiim sanaa ee loo baahnaa daawanta iyo la tacaalida caafimaadka xoolaha madaama ay abaar ka soo kabanayaan, waxaana uu xaqiijiyey in wasaarada iyo hawl wadenadeedu shaqo culus u hayaan bulshadooda loona baahan yahay inay sii laba jibaaraan dedaalka ay ugu jiraan ololaha daawaynta xoolaha Puntland.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ayaa dhankiisa xusay in dhakhaatirta fulindoona ololaha daawaynta xoolaha Puntland ay ku jiraan arday dhowaan ka qalin jebisey Jamacada Bariga Africa oo dhowaan uu wasiirku u balanqaaday fursado shaqo, waxaana uu kula dardaarmay inay masuuliyad gaara iska saaraan shaqada loo igmaday inay qabtaan.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu danabyn kula dardaarmay dhakhaatiirta iyo hawl wadeenada kale ee loo igmaday shadani inay iska saran masuulid gaara isla markaana ay siday tahay uga soo dhalaalaan shadani.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.