Ninkii fuliyay qaraxii Bosaso oo la aqoonsaday

Xaalada magaalada bosaso ayaa degan kadib qaraxii ismidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay halkaas.

Ciidanka amaanka ayaa tan iyo xalay ka waday hawlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada.

 

 

 

Dhanka kale ilaa iyo hada waxaa iska soo daba dhacaya xogaha laga helayo qaraxaas.

Mid ka mid ah xogaha ay ka helayso idilnews  masuuliyiinta amaanka puntland  ee lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Ninka qaraxa fuliyay lagu magacaabo Abu qataata una u dhashay beesha Mareexaan,isla markaana waxuu ahaa xubin ka tirsanaa Daacishta Puntland ka hawlgasha.

Laamaha amaanka puntland ilaa iyo hada war rasmiya oo ay ku faahfaahinayaan sida wax udhaceen kama aysan soo saarin xaalada.

 

Idilnews

Bosaso