Puntland oo ka jawaabtay eedayntii wasiirka kaluumaysiga fadaraalka

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi, ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diiday heshiis ay isku raaceen intooda kale, wuxuu sheegay in Puntland ay doonayso inay la maqaam noqoto dawlada Fadaraalka Soomaaliya.
“Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu aragtay in sadkooda uu yahay sidii dowladda Federaalka oo kale ama ay la mid tahayba”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.
Shirkii lagu tagi lahaa Jaziirada Seychelles, ayaa baaqday, Dowladda Seychelles waxay yiraahdeen hadii Puntland diiday shirka ma qabsoomi karo maadama ay tahay meesha ay doonayaan in ey ka kaluumaystaan.waxaana dawlada Somaliya ay sheegtay in Jaziirada Seychelles la tagi lahaa iyadoo la midaysan yahay, balse aysan dhicin.
 
Hadaba waxaa eedayntaas si cad uag hadlay Dawlada Puntland ,gaar ahaan wasaarada kaluumaysiga.
 
Shir saxaafadeed ay wada jir uqabteen Wasaiirka iyo wasiiru dawlaha wasaarada kaluumaysiga,ayaa saxaafada loogu qaybiyay war cad oo kasoo baxay puntland.
Halkan ka akhriso:-