Qarax xoog leh oo ka dhacay agagaarka Dekeda muqdisho

Qarax ayaa laga soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada agagaaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ilaa hadda soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ku xiran baabuur. Ilaa hadda ma cadda inuu qaraxa ahaa ismiidaamin iyo in uu ka dhashay baabuur la dhigay waddada dhinaceeda.

Shan qof ayaa la xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen, islamarkaana 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in qaraxa loola dan lahaa maqaayad meesha ku taalla iyo in loola dan lahaa mas’uuliyiin dawladda ka tirsan oo la sheegay inay meesha marayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, waxaana war kooxdan ay soo saartay oo lagu faafiyey baraha internetka ee taageera ay ku sheegeen iney ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Somaliya.