Qaraxii Uk oo faahfaahin dheeriya ay kasoo baxayaan

Ninka gaystay weerarkii Manchester waxay u “badan tahay” in uusan kaligii soo maleegin weerarka, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Amber Rudd.

Salman Abedi ayaa dilay 22 ruux dhaawacayna 64 kale ka dib markii uu isku qarxiyay goob wayn oo ku taala Manchester oo lagu hayay bandhig faneed habeenkii Isniinta – labaatan ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayay xaaladdooda caafimaad aad u liidataa lana dabiibayaa.

Heerka feejignaanta ee Britain ayaa la gaarsiiyay meeshii u saraysay, taas oo ka dhigan in ay macquultahay in weerarro kale qarka soo saaran yihiin

Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.

Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra’iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.