Ra’iisul Wasaaraha oo goor dhow gaaray Garoonka milateri ee Balli-doogle

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray garoonka Bali-doogle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka socota Laamaha Amaanka Soomaaliya iyo wasaaradaha amniga iyo gaashaan-dhigga ee dowladda.

Booqashada wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmeysa iyadoo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen weeraro ay Al-Shabaab ku qaaday 14 tuulo.

heyre ayaa u tagay halkaas si uu u dhiira geliyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo ciidan loo diyaariyay sugida amniga Muqdisho iyo la dagaalanka Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ku sugan xeradaas uu ku dhiira gelin doono sidii Al-Shabaab ugaga saari lahaayeen deegaanada ay gacanta ku hayaan ee ku dhow dhow Muqdisho, sid Toora Toorow.

Garoonka Balli-doogle waxaa ku sugan ciidamo Mareykan ah oo dhaq dhaqaaq fir fircoon ku leh xeradan, iyadoo la arko xilliyada qaar, iyagoo ugaarsi u aada duurka.

Ciidamada Mareykanka ee xeradaas ku sugan oo tiro ahaan la ogeyn ayaa waxay halkaas tababar ku siiyaan ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee loo yaqaano Danab, kuwaasoo wadajir u fuliya howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Garoonka Balli-doogle ayaana ah saldhigyada qarsoodi ee ay Mareykanka ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana ka duula diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones.

Sanadkii hore waxaa xeradaas booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay xiritaanka tababar u socday Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.