Reer Puntland xaqa uga maqan xamar ka badan gudoomiye xaafadeed.

Ladane waa mid kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka muqdisho ee shalay la magacaabay.

Si gaar ah waa Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ninka loo magacaabay,

Ladane waxuu ka yimid Puntland ,waxaa dhalay siyaasi iyo halgamaa caan ahaa Ladane Saalax Deer rabi ha unaxariistee ee dhawaan ku geeriyooday.

Ladane waa masuul aqoon iyo karti ahaanba u qalma masuuliyada loo igmaday sida ay idilnews uga xog ku siiyeen masuuliyiin kale oo aad u yaqaan Ladane.

In loo dhiibo Ladane maamulka Xaafad xamar kamid ah waxay dib usoo bindhaaminaysaa rajo bilaw ah iyo caasimad lawada leeyahay.

Gudoomiye Taabid waa dadaalay bilaw fiicana waa sameeyay lkn wali hawl badan ayaa utaal.

Reer Puntland xaqa uga maqan xamar ka badan gudoomiye xaafadeed.

 

Jibril qoobey.