Video:-Ma dhabaa in Habargidir iyo Rw Khayre heshiiyeen?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadiisa.
 
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada rayidka ah
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmaamey in ay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.
 
“Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu leeyihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.
 
Kulankan oo ay qabatay beesha Habar gidir oo mudooyinkan wax ka tirsaneysay dowlada ayaa ugu dambeyn waxay beeshu shaacisay iney si buuxda u taageersan tahay xukuumada RW Kheyre, iyagoo sheegay in la xaliyey mad-madowgii iyo cabashooyinkii ay qabeen,
 
Inkastoo xogaha shirka laga helayo ay sheeegayaan in is afagrad uu ku soo idlaaday hadana laguma kalsoonaan karo balanqaadka Habargidir,waxaase si dhab ah loo ogaan doonaa maalmaha soo socda balanqaadka Habargidir in uu yahay mid dhab ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka