Aljazeera Tv oo laga mamnuucay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Wadamada Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mamnuucay wadamadooda taleefishinka caanka ah ee Aljazeera kadib markii dowlada Qadar ay taageertay dowlada Iran.
 
Taleefishinka laga leeyahay Sacudi Carabiya ee Al Arabiya ayaa baahiyay in laga bilaabo Arbacada in aan laga daawan karin labada dal taleefishinka Al Jazeera, warkan ayaa waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiinta Al Jazeera balse ma bixin faahfaahino dheeri ah.
 
Al Arabiya ayaa sheegay in sababaha loo mamnuucay ay tahay kadib markii dowlada Qadar ay ku tilmaantay wadanka Iran “Dal Islam ah oo awood leh” ayna cambaareeyeen siyaasada Trump ee dowlada Tehran.
 
“Ma jiro xikmad ku jirto in cadaawad loo qaado Iran,”ayaa laga soo xigtey Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyadoo wakaalada wararka ee Qadar ay baahisay warkan. Hase yeeshee dowlada Qadar ayaa warkaas ku tilmaantay mid la been abuuray ayna baaritaan ku sameyn doonto.
 
Wasiirka isgaarsiinta Qadar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay bilaabatay baaritaan ayna la xisaabtami doonaan dadka ka dambeeyay warka been abuurka ah.