Askarigii dilay Talyihii Nabadsuigda sh.dhexe oo maanta dil lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada dawlada fadaraalka ah,ayaa maanta dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa nabadsugida dawlada fadaraalka kaasoo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed.
 
Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.
 
“Taariikhdu markii ay ahayd 23/06/2016 ayay maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo 24 jir ah xakun dil ah, balse 26/06/2016 waxa uu racfaan ka qaatay xakunka dilka ah ee Maxkamadda Darajada koowaad, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 27/08/2016 ay Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u toogtay Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed” sida uu ku dhawaaqay Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida.
 
Yuusuf Xuseen Maxamuud ayaa ka tirsanaa Ilaalada Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiweli Ibraahim.
 
Dilkan ayaa saaka ka dhacay fagaaraha Dugsiga tababarka ee ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasoo ay ka dhacaan xukunada dilka ay fuliso Maxkamadda ciidamada dawlada fadaraalka.