Madaxweyne Gaas oo soo afmeeray booqashadisii wadamada Yurub kuna sii jeeda Puntland

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii maalmahan ku gaala bixinayay booqashada dalal ka mid ah qaarada Yurub,ayaa maanta soo afmeeray booqashadisii.
 
Finland oo ahayd dalkii ugu danbeeyay ee uu cagta soo mariyo ayuu galabta kasoo anba baxay,waxuuna saacdo yar kadib soo gaaray London oo isla caawa uu uga sii kicitimayo dhankaas iyo dalka Kenya.
 
Madaxweyne Gaas ayaa maalinka sabtida ah dib ugu laaban doona Puntland.
 
Booqashadii Madaxweyne Gaas ee qaarada Yurub ayaa ku salaysnayd markii hore ka qaybgalkii shirka London,kadib jaaliyadaha Puntland ee Yurub ayaa ka codsaday in madaxweynuhu soo booqdo si ay uga xog qaataan.
 
Madaxweyne Gaas waxuu booqday oo kulamo balaaran kula qaatay jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan dalalka kala ah.
UK
Norway
Sweden
Finland
 
Isku soo wada duuboo waxaa la oran karaa booqashadii madaxweyne Gaas ee jaaliyadaha qurbajoogta ah waxay ahayd wax loo baahnaa oo mira dhal ahayd.