Video:-Ciidamada Filibin oo gudaha u galay magaalo ay haystaan kooxda Abuu Sayaaf

Ciidamada Philippine ayaa maanta galay magaalo la haysto oo ku taalla jasiiradda koonfureed ee Mindanao, si ay halkaas uga nadiifiyaan dagaalyahano Islaami ah oo qabsaday horraantii toddobaadkan.

Laba diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa dul heehaabaya magaalada ayada oo taankiyada dagaalka ay xaafadaha galeen, xilli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo culus.

In badan oo ka mid ah dadka degan magaalada Marawi oo gaaraya illaa 200,000 ayaa billaaabay inay ka qaxaan.

Xasaradaha ka taagan magaalada ayaa billaabmay talaadadii markii ciidamada Philippine ay billaabeen howl ay doonayaan inay kusoo xiraan hoggaamiyaha kooxda Abu Sayyaf, Isnilon Hapilon oo la rumeysan yahay inuu magaalada ku dhuumanayo, islamarkaana uu qabo dhaawac.

Milatariga dowladda ayaa sheegay in lix ka mid ah ciidamada dowladda iyo 13 mintidiin Islaami ah lagu dilay dagaalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.