War deg-deg ah:-Dagaal ka dhacay Miyiga Gaalkacyo

Deegaanka Xanaanbuurre ee gobalka Mudug ayaa waxaa maanta markale isku fara saaray maleeshiyo xoolo dhaqato ah oo kala soo jeeda Puntland iyo beesha Sacad.
 
Dagaalka ayaa waxa uu salka ku haayaa muran ku saabsan lahaanshaha ceelal iyo dhul-daaqsimeed deegaanka ku yaalla.
 
.Ilo-wareed deegaanka ku sugan ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
 
Colaaddan ayaa imaanaysa muddo ka dib markii lagu guuleystay in la soo afmeero dagaalo hore u dhex-maray maleeshiyadan.
 
Maamulka Gobolka Mudug ayaan wali ka hadlin dagaalkan