Puntland oo gacanta ku dhigtay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab iyo Daacish

Maalmo ka hor ayaa waraysi uu bixiyay madaxweyne xigeenka dawlada Puntland mudane Camey,waxuu ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano ka tirsan ururada argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish.
 
Hadaba sidaas oo kale shirkii golaha wasiirada Puntland ee khamiislaha ahaa,ayaa waxaa lagu cadeeyay in laamaha amaanka dawlada puntland ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano isa soo dhiibay iyo kuwo ku hawlanaa in ay fuliyaan falal amniga lid ku ah.
 
Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka golaha wasiirada ee shalay  laguma qeexin halka iyo tirada ay yihiin dagaalyahanadaas iskugu jira kuwo la qabtay iyo kuwo isa soo dhiibay.
 
Isku soo wada duuboo laamaha amaanka Puntland ayaa wada hawlgalo xoog leh oo ay ku adkaynayaan amaanka,inkastoo hadana ay jiraan falal argagixiso oo ka dhacaya gudaha Puntland.