300 oo askari oo Turkiya oo kusoo wajahan Somaliya

Dowladda turkiga ayaa shaacisay in 300 askari oo ka tirsan millateriga oo isugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha August ee sanadkan.
 
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi saldhiga milateriga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinay ciidamadda Soomaalida ah.
 
Wuxuu sheegay in turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo isxukunkii.
 
” 300 boqol oo askari ayaa imaanaya bisha August oo isugu jira 100 tababare iyo 200 askari oo ilaalin doono saldhiga milateri ee muqdisho oo haatan gabo-gabo ku dhow” ayuu yiri , wuxuu kaloo sheegay in ay tababari doonaan Saraakiisha Ciidamadda Soomaalida ee milateriga iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah.
 
Gabagabadii, Dowladda Turkigu waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigi ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000,kuwasoo ka kala imaanay dhammaan goboladda Dalka.