Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland oo xil cusub looga magacaabay fadaraalka

Agaasimihii hore ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan,ayaa caawa waxaa madaxweyne Farmaajo u magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada Haweenka Fadaraalka.
 
Deeq waxuu mudo sanad iyo bar ah soo ahaa agaasimihii madaxtooyada Puntland,xilkaas oo ugu danbayntii madaxweyne Gaas ka qaaday una dhiibay Cabdinaasir Biixi Soofe agaasimaha xiligan ee madaxtooyada Puntland.
 
Deeq waxaa lagu tilmaamaa nin aan ku fiicnayn masuuliyadaha ,isla markaana wali jecel in u dhalinyaro isku muujiyo haybad hogaamineedna aan lahayn.
 
Magacaabistiisa masuuliyadan cusub lama oga doorka uu ku leeyahay madaxweyne Gaas oo ay xiriir fog leeyihiin.
 
 
idilnews
muqdisho