Arsenal oo markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga

Kooxda Arsenal ayaa markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga kaddib markii ciyaar loo bogay ay 2-1 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Chelsea.
 
Chelsea ayaa ku rajoweyneyd in koobka FA-ga ay ku darsato midka Horyaalka Ingriiska ee ay xilli ciyaareedkan ku guulaysatay balse taas Arsenal ayaa diidday oo sidaana tartanka FA-ga ugu dhigtay rikoor cusub.
 
Natiijada Arsenal ayaa ka dhigan in tababare Arsene Wenger uu yahay tababaraha ugu guusha badan taariikhda tartankan oo waxa uu ku guulaystay todoba jeer.
 
Kooxda Gunners ayaa si uu muran ku jiro daqiiqaddii shanaad ku dhalisay goolka koobaad oo waxaa u saxiixay laacibkooda Alexis Sanchez, hasayeeshee calanwadaha ayaa calanka kor u taagay isagoo muujiyay in Aaron Ramsey uu ka horreeyay ciyaartoyda Chelsea. Hasayeeshee Ramsey ayaanan taaban kubadda taasna waxa ay u sahashay Sanchez inuu kubadda la ordo oo uu shaqaba cuksiiyo.
Arsenal ayaa iska maamulanaysay qeybtii hore ee ciyaarta oo waaba ay labayn lahaayeen balse Danny Welbeck ayaa tiirka goolka ku dhuftay kubad uu madaxa lahelay, Ramsey-na isla tiirkii ayaa u diiday isla kubadii oo uu xabadka ku soo celiyay.
Victor Moses ayaa qeybtii labaad waxaa laad qurxoon ka badbaadiyay goolhaye David Ospina, ka hor inta aanan loo taagin kaarkii labaad ee huruudda sidaana looga saaray ciyaarta daqiiqaddii 68-aad kaddib markii uu isku tuuray xariiqqa rigoorada.
 
Markii ay 14 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta ayaa kooxda Blues-ka lagu naanayso ee Chelsea waxaa ciyaarta ku soo celiyay oo goolkii barbarada u dhaliyay Diego Costa, hasayeeshee laba daqiiqo un kaddib ayaa goolka guusha waxaa Chelsea ka dhaliyay ciyaaryahan Ramsey. Ciyaaryahankan u dhashay Wels ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee ay Arsenal 2014-kii koobka FA-ga kaga qaadday kooxda Hull City.
 
 
Xigasho BBC