Diyaarada Turkish Airline oo maalintii sadexaad ku dagi wayday garoonka Aadan-cade

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maalintii saddexaad ku degi la’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo khamiistii ay dhowr jeer ku fashilantay inay caadi ugu soo degto garoonka, sababo dhanka hawada iyo dabeylo jira awgood.
 
Diyaaradda Turkish duulimaadkii khamiistii ayaa ku degi weyday garoonka, waxaana ay aaday Jabuuti, balse rakaabkii ay waday oo hotelada ku yaalla Jabuuti oo buuxay awgeed ayay dib ugu laabatay Istanbul.
 
Sidoo kale maalintii shalay oo jimco aheyd ayaa labo diyaaradood oo kala waday rakaabkii khamiistii dib u dhaca ku yimid iyo midkii caadiga ahaa ee maalinlaha ah oo ka soo duulay Istanbul, ayay hadana mar kale u suura geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho.
 
Labada diyaaradood ee shalay degi waayay ayaa markii dambe ku kala degay Jabuuti iyo Mombasa, halkaasoo ay dhigeen rakaabkii ay wadeen, hotelana geeyeen
 
Balse saaka oo sabti ah markii labada diyaaradood ay ka soo kala kicitimeen Jabuuti iyo Mombasa waxay hadana mar kale u suura geli weyday inay garoonka ka degaan.
 
Labada diyaaradood ee Turkish Airlines ee saakay degi waayay ayaa waxay ku laabteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
 
Diyaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Jubba iyo Daallo ayaa si caadi ah saakay uga degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde.
 
Hase ahaatee Diyaaradda Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka mamnuuc tahay in diyaarada degto, iyadoo dabeylo badan jiraan, waxaana ay ku degtaa cabir ku saabsan dhanka dabeysha.
 
Diyaaradaha ka dega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka yimaada dhinaca badda, iyadoo mararka qaarna magaalada dusheeda soo mara, balse sababo amni awgeed ayaysan diyaarada Turkish Airlines u soo mari karin dusha sare ee magaalada Muqdisho.
 
Rakaabka saaran labada diyaaradood ayaa muddo saddex maalin rafaadsan, sidoo kale rakaabkii ay diyaarada ka qaadi laheyd Muqdisho ayaa iyana xayiran oo dhowr jeer inta ay garoonka yimaadeen dib loo dhigay duulimaadkooda.
 
Mas’uul ka tirsan Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Maamulak Shirkadda Turkish Airlines ay jirto dabeyl ay ogol yihiin oo ay ku degi karaan diyaaradahooda, sidaas darteed xilligan oo ay dabeylo jiraan ayaysan suura gal aheyn dabeylahaas jira inay ka hor-yimaadaan ama inay ka wareegtaan oo ay magaalada dusheeda soo maraan, taasoo aysan fasax u heysan, sababo amni darteed.
 
Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in hadii sidan ku sii socoto Diyaarada Turkish Airlines inay lumineyso macaamiisheeda, maadaama duulimaadkeeda uu yahay mid maalinle ah.
 
Diyaarada Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee caalami ah oo duulimaad ku timaada Muqdisho, waxayna haatan duulimaadkeed ka dhigtay maalinle, halkii markii hore ay todobaadkii ka imaan jirtay afar jeer.
 
Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale ay u degi weyday diyaarada Turkish Airlines, waxaana saraakiisha Diyaarada ay ku sababeeyeen hawada oo xun awgeed, waxayna maalintii xigtay ay si caadi ah ugu soo degtay garoonka.