Dooni laga leeyahay K.Kuuriya oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Doon kalluumeysi iyo 21 kamid ah shaqaallihii saarnaa ayaa waxaa afduubtay maanta kooxo burcad-Baddeed ah, sida warbaahinta koonfurta Kuuriya ay sheegeen.

Doonta kalluumeysi ayaa waxaa laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, waxana hadda ay gacanta ugu jirtaa Burcad-Baddeeda.

Wakaalladda wararka ee AP ayaa sheegtay in Doonta markii la afduubanayay ay mareysay meel ka baxsan biyaha dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama shaacin doonta jihadda ay u socotay iyo halkii ay ka timid.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Doonta kalluumeysi markii la afduubanayay ay ku jirtay howllo kalluumeysi sharci darra ah.

Waa doontii labaad oo muddo 7 cisho gudahood ah laga qafaasho badda Soomaaliya. 20-ka bishan ayeey aheyd kadib markii koox hubeysasn ay qabsadeen doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Iran.

Dowladdaha Kuuriyadda Koonfureed, Shiinaha iyo Iraan, ayaa kamid ah dowladdaha ugu badan ee maraakiibta iyo Doomaha laga leeyahay dalalkooda ee ka sameeya kalluumeysiga sharci darrada ah xeebaha dalka Soomaaliya, sida warbixin ay sheegtay.