Axmed-ka kismaayo ee ku haftay siyaasada oo kusii jeeda Cadaado saacadaha soo socda

Madaxweynaha ku haftay siyaasada ee Jubaland ayaa saacadaha soo socda ku aadan magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka aan sharciyada buuxin ee Galnus.
 
Axmed Madoobe ayaa u tagaya Cadaado ka qaybgalka u hanbalyaynta hogaamiye kooxeedka ka haray kuwii muqdisho Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
 
”Waxaa loogu yeeray Axmed Madoobe caleema saarka madaxweynaha maamulka Galnus ee ka dhacaysa Cadaado maanta”sidaa waxaa yiri mid kamid ah siyaasiyiinta jubaland ee ku sugan kismaayo.
 
Waxa loogu yeeray caleemka saarka madaxweynaha Galmudug ,ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona wafti ka socda dawlada fadaraalka oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cabdifaarax juxaa iyo marti sharaf kale.
 
Xaaf ayaa sadexdii bisha doorasho la sheegay in ay ka dhacday cadaado loogu doortay madaxweynaha Cadaado,balse waxaa doorashadaas diiday oo ku tilmaamay been abuur iyo khiyaali maamulka awooda ku leh gobolada dhexe ee uu hogaamiyo madaxweyne Shaakir taageeradana ka haysta culumada Ahlusuna iyo bulshada Gobolada dhexe.
 
Xaaf ayaa ka mid ahaa moorayaantii iyo hogaamiye kooxeedyadii muqdisho ee dadka somaliyed barakiciyay, ilaa iyo maanta waxuu ka mid yahay kuwa dhaca ku haysta hantida faraha badan ee ay ka barakaceen umadii somaliyed ee daganayd Xamar.