Baarlamaanka aan xorta ahayn ee Kismaayo oo ka saaray baarlamaankaas xildhibaano Axmed Madoobe ka hor yimid

Xildhibaanada godka ugu jira Madaxweynaha ku haftay siyaasada ee Axmed Madoobe ayaa maanta sheegay in ay ka saareen Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubaland laba xubnood oo ay ku eedeyeen anshax xumo.
 
Baarlamaanka aan xorta ahayn ee Jubaland,ayaa Kulan aan Caadi aheyn oo uu yeeshay waxuu xubnimidii xildhibaanimo Ee Barlamanka kala laabtay labo xubnood oo kala ah:-
 
1.Xildhibaan Cabdiqadir Ibraahim Cali
2.Maxamed Cali yuusuf
 
Labada xubnood ayaa sida ay sheegeen gudoonka baarlamaanka ay Gudiga Anshaxa Barlamaanka ku eedeeyeen in ay jabiyeen dastuurka dawlad goboledka Jubaland.
 
Labadan xildhibaan ee maanta laga saaray baarlamaanka Jubaland ayaa dhawaan shirar jaraa’id oo kala goon gooniya oo ay qabteen waxay si cad uga hor yimaadeen siyaasada Axmed Madoobe.
 
Labadan Xildhibaan ayaa banaanka soo dhigay siro iyo xogo badan oo lid ku ah Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.
 
Sababta maanta xilka xildhibaanimo looga xayuubiyay ayaana daba socota shirkoodaas jaraa’id ee ay xaqiiqda iyo dhaliisha maamulka Axmed Madoobe banaanka kusoo dhigeen.
 
Isku soo wada duuboo hogaaminta Axmed Mdoobe ayaa waxaa hareeyay khibrad xumadiisa siyaasada iyo xakamayn la’aantiisa beesha uu ka dhashay ee Ogaden.
 
Waxaana dadka isha ku haya xaalka Jubaland tilmaamayaan hadii sida hada wax ku socdaan ay kusii socdaan in dib loo noqondoono guulaha la gaaray ilaa iyo hadana ay fashilmi doonaan jubaland markale dib ugu laaban doono deegaamo dagaalki sokeeyeee halakeeyay.
 
 
idilnews
Kismaayo