DPuntland Nidaamka Xisbiyada,Qore:Eng.Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

DPuntland Nidaamka Xisbiyada,,,

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh…

Waaxaan akhris ahaan milicsaday qormooyin, waxaan kaloo dhegadhegeeyey eedaymo fara badan oo hawada lagu baahiyey, dhammaantoodna waxay ku jihaysnaayeen Dawladda Puntland… Waxaan muran ku jirin in Dawladda talada haysa ay ballan qaaday inay fulin doonto nidaamkaas xisbiyada… Haddaba aan milicsanno, habkuu ku hirgeli karo iyo halka ay Dawladdu ka bilowday dhaqaaqeeda ku wajahnaa nidaamkaas xisbiyada…
Qodobada Dastuuriga ah waxaa ka mid ah, qodob tibaaxaya in Maamulka Dawladda lagu wada baahiyo dhammaan degmooyinka ku xusan Dastuurka oo tiradoodu tahay 39 degmo… Waxaan ognahay in degmooyin Dastuurka Puntland ku xusan aanay faraha Dawladda ku jirin… Waxaan ognahay in degmooyinkaas qaarkood aan Ciidamada Puntland laga qabsan…. Sidaan la wada soconnay Dagaalkii Aricaddeeye ka bilowday… Dagaalkaas waxaa lagu jebiyey maamulka Somaliland waxaana la riixay 10km, xaajo markay halkaa maraysay, waxaan wada ognahay in qabiilada kala ah Bahararsame iyo Jaamac Siyaad inay kasoo wareegteen wadda kale oo xabbad ka bilaabeen gudaha magaalada Laascaanood, taasina kalliftay in Ciidamada Puntland ee joogay jiidda hore iyo kuwii Laascaano joogayba ay ka baxeen iyagoo xeerinayey inaan dhibaato kala gaarin dadkaas isku isirka ah…. Waxaan wada ognahay in markii taasi dhacday eeddii dusha laga saaray Dawladda Puntland…
Waxaan wada ogayn Xilligii Maamulkii Cadde intii uuna dhammaan in Sharfane Islaan Ciise isu keenay ciidan dhan 1000… AHUN Xiif Cali Taar isaguna isu keenay Ciidan qiyaastiisu ahayd 800 ilaa 900 dhammayd… Cadde AHUN isaguna uu diyaar geliyey Ciidankii Daraawiishta ee Dawladda ka Mushar qaadanayey… Ciidamadaasi markii la isu dumay waxaa fariin loo diray Isamada Dhulbahante fariintaas oo ahayd inay laba midkood xaajo ku fariisiyaan…. In Isim kastaa kasoo kaxaysto dhallinyarada ka safan dhanka Somaliland iyo In wixii dhallinyaradaas gaara aan cidna loo qabsan…. Waxaan wada Ogayn shirkii ay isugu yimaadeen Isimada Dhulbahante ee ka qabsoomay Boocame ee kala ahaa 1.2 iyo 3… Shirkaa waxaa laga soo saaray in beel kastaa dhallinyaradeeda kala soo baxdo Somaliland, muddo dhan 24 maalmood… Hadday kalasoo bixi waayeen aan hadhow cidna loo raacanayn wixii gaara…
Xaajo markay halkaas marayso waxaa tartar loo galay Madaxa Sare ee Dawladda Puntland… Waxaa ku Guulaystay Mudane C Faroole iyo Mudane M Cali Shire…. Guulaysigii Ina Cali Shire waxay ka xanaajisay Sharfane Garaad Jaamac Garaad Cali oo markaas watay Xagletoosiye… Arintaasi waxay keentay in tafaraaruq yimaado iyadoon mudadii beelaha loo qabtay ee ahayd 24 maalmood aanay dhammaan… Maalintii ay mudadaasi maraysay 23 maalmood oo ay maalin ka harsan tahay ayaa waxaa shir lagu qabtay Buurowadal… Meeshii looga fadhiyey inay jawaab waafiya ka bixiyaan dhallinyaro kasoo kaxaysigii ama fasixiddi qabsi la’aanta, ayaa shirkii Buuro Wadal waxaa looga dhawaaqay SSC, taasina waxay keentay in ciidamadii la isu dumay kala dhaqaaqaan maaddaama aan fasax losiin inay dagaallamaan….
Maamulka Talada haya ee uu Mudane Abdiweli Gaas hoggaaminayo, waxaa u muuqanaysay Caqabbaddaas meesha taallay wuxuuna Gaas ku khudbeeyey Laascaano Faataxu laguma qabsan laguna soo qaban maayo, dadkuna isku hullaabnaan maayo Eedda ciddii leh ayaa qaadaysa ama waa la wada qaadin…. Taasoo ujeedkeedu ahaa in dhammaan qabaa’iladii Puntland yagleelay isu yimaadaan oo ay go’aan markale ka qaataan sidii laga yeeli lahaa dhallinyaradaa ama dadkaas kasoo jeeda dhanka Somaliland… Waxaa gogol loo fidiyey oday dhaqameedyadii nasiib darro gogoshaasi waxay ka hirgeli wayday oday dhaqameedyadii dhulbahante oo kala qaybsamay….
Su’aasha xaqiiqda ah waxay tahay yaa QODOBKAAS baahinta maamulka ka hir geli waayey, ma DPuntland mise Shacabka Puntland…???!! Ogoobeey Dawladdu intay Gaari kartay waxay ka hirgelisay Golaha Degaanka oo Buuhoodle ugu danbeeyey…. Ogoobeey shacabka Xabad kala daal maaha xaajo wax garad ee waa Mucaarad Macangag ah warkiis….
Marwo iyo Mudane kasta oo garaadka Allah swtc ugu deeqay u isticmaala siduu Rabbi u siiyey, wuxuu garan karaa in QODOBKAAS baahinta maamulka ay hoos imanayaan dhammaan qodobada kale ee Nidaabka Xisbiyada sida… Tirokoobta iyo Hubka Dhegistuba… Sababtoo ah haddaan maamulku wada gaarsiisnayn Dhammaan degmooyinka, xaq noqon mayso qayb hubka laga dhigo qaybna aan laga dhigin, qaybna la tirokoobo qaybna aan la tirakoobin…
Gabogabo…
Haddaan maskaxdayda buugteeda hadba baal rogo waxaa bog kasta oo aan rogo iiga muuqday in Maamulku sameeyo QODOBKA u furan ee ah Maxkamadda Dastuuriga… Markii QODOBKAAS maamulku hirgeliyo, in DPuntland iyo Shacabkuba ka wada tashadaan wadadii kale ee loo mari karo hirgelinta nidaamka Xisbiya…. Sida Allah swtc inoo sheegay Dadka Muslimka ah waa kuwii shira oo wada tashada meelna wax isugu keena ee maaha kuwa Macangagnimo Car i taabo kooxba meel la istigtaato oo koox kastaa kooxda kale farta ku fiiqdo….
Wa Billahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: aadciiltire@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Guureey
Website: http://aadciiltire.wordpress.com/
Facebook Page: https://www.facebook.com/AADCiiltire