Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo ku wajahan Cadaado

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ku wajahan xarunta maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.
 
Madaxweynaha ayaa uga qaybgali doona Cadaado waxa loogu yeeray caleema saarka maamulka aan sharciyada buuxin ee Galnus.
 
Xaflada caleema saarka Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona madaxweynayaasha maamulada dalka,wasiiro ka tirsan xukuumada fadaraalka iyo marti sharaf kale.
 
Tagida madaxweyne Gaas ee Cadaado ayaa dadka reer Puntland aysan ku faraxsanayn ama ka niyad jabsan yihiin.
 
Niyad jabka shacabka ayaa ku salaysan labo arimood oo tixgalintooda mudan,kuwaasoo kala ah:-
 
1.Ninka lagu caleemo saarayo Cadaado dastuurka lagu dhaarinayo waxaa ku qoran ”waxaan leenahay ilaa Burtinle,taasoo macnaheedu yahay in uu si cad usheeganayaan dhul Puntland.
 
2.Tagida Gaas ee Cadaado waxay dhabarjab ku tahay xulufada Ahlusuna walajmeeca iyo maamulkooda Gobolada dhexe ee aan wax tixgalin ah laga siin Cadaado.
 
Hadaba dadka falanqeeya arimahan ayaa u arka in madaxweyne Gaas tagidiisa cadaado ay tahay deg deg aan xiligeedii imaan.
 
Waxay ahayd in marka hore intuusan go’aansan in uu safro Cadaado in ay dhacaan dhawr arimood oo kala ah:-
 
A.In Xaaf ku dhawaaqo in uu diyaar u yahay nabad shuruud la’aan ah iyo wada xaajood rasmiya.
 
B.In Xaaf ku dhawaaqo in dastuurka maamulkiisa laga saarayo dhulka Puntland ,dib danbe aysan u sheegan doonin dhul Puntland ay leedahay.
 
isku soo wada duuboo tagida madaxweyne Gaas ee Cadaado marka laga eego dhinacyo badan waa khatar lagu degdegay.
 
Ugu yaraan haduusan ka baaqsan karin waxaa muhiim ahayd in uu diro Cadaado wafti heer wasiiro ah.
 
 
Jibril Qoobey.