Ugu danbayntii diyaaradaha Turkish Airlines oo kasoo dagay garoonka Aadan-cade

Laba dayaaradood oo ay leedahay sharkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines,ayaa saakay ka soo wada deggey garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho,ka dib markii ay in muddo ah ku xayirnaayeen garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombaassa ee dalk Kenya.
 
Madaxa qaybto operationka ee hay’adda duulista hawada Axmed Macalim oo saxaafada la hadlay,ayaa sheegay in sababaha ay dayaaradaha Turkish Airline ay ug soo dagi waayeen labadii malamood ee lasoo dhaafay garoonak Aadan-cade ay tahay sababo la xiriira xawli hawada oo badnaa (Wind Speed) taas oo keentay in dayaaradaha Turkish Airlines ay ugudbaan garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombassa.
 
Garoonka Aadan Cadde ayaa dayaaradaha waaweyn kala kulmaan dhibaato la xiriirta xawliga hawada (Wind Speed) gaar ahaan marka ay hawada ka soo dhacayso koofur.
 
Inta badan diyaaradaha ayaa iska ilaaliya in ay ka soo dagaan dhanka Afisyooni baqdin amni xumo darteed.