Video:-Cosoble oo isku muujinaya in uu yahay halyeey hawiye u kacay

Nin diyaarad u kala raaca Jowhar iyo Beledweyne inuu yiraahdo Banaadir baan dhisayaa,waa sheeko lagu qoslo.
 
Hadii wax qabadkaagu kusoo uruuro xafiiltan caadifad iyo ana wey kan,waxaa hubaal ah in aadan meel gaarayn.
 
Cosoble ha isku furo Hir-Shabele,Hiiraan ha ogolaysiiyo Jowhar.
 
Maqaamka Muqdisho maaha arin isaga kaliya utaal mana aha mid lagu awr kacsado oo siyaasad dad kale lagula gorgortomo ee orod soo hagaaji soona booqo Cadale,Warshiikh Balcad, Ruunirgood, Mahadaay, Shanta Tuulo, Jalalaqsi, Buulabarde, Matabaan, Ceel Cali, Jawiil.
 
Dhibaatada maamulkaaga ku wareegsan ee uu la dhaqaaqi waayay haku jihayn meel kale.
 
Halyeey Hawiye kuma noqonaysid Dawlada fadaraalka oo aad isku liqdaarto.
 
Dalku waa fadaraal sida loo dhisayo maamulada ama ay isku raacayaan Goboladu dastuurkaa qeexaya,
 
Siyaasada iyo masraxa waad kusoo booday xog ogaal ma tihide Dastuurka waxaa anisxiyay Ergo door ah oo Gobolada dalka laga wada keenay,afti dadweyne ayaana u harsan.
 
Hoos ka daawo muuqaalka Cosoble oo arinkaas ka hadlaya iskuna muujinaya halagamaa hawiye dad badana u sacab tumayaan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka