Video:-Daawo Turkish Airline oo ku dagi wayday garoonka Aadan-cade ee muqdisho

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maalintii saddexaad ku degi la’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo khamiistii ay dhowr jeer ku fashilantay inay caadi ugu soo degto garoonka, sababo dhanka hawada iyo dabeylo jira awgood.
 
Diyaaradda Turkish duulimaadkii khamiistii ayaa ku degi weyday garoonka, waxaana ay aaday Jabuuti, balse rakaabkii ay waday oo hotelada ku yaalla Jabuuti oo buuxay awgeed ayay dib ugu laabatay Istanbul.
 
Sidoo kale maalintii shalay oo jimco aheyd ayaa labo diyaaradood oo kala waday rakaabkii khamiistii dib u dhaca ku yimid iyo midkii caadiga ahaa ee maalinlaha ah oo ka soo duulay Istanbul, ayay hadana mar kale u suura geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho.
 
Labada diyaaradood ee shalay degi waayay ayaa markii dambe ku kala degay Jabuuti iyo Mombasa, halkaasoo ay dhigeen rakaabkii ay wadeen, hotelana geeyeen
 
Balse saaka oo sabti ah markii labada diyaaradood ay ka soo kala kicitimeen Jabuuti iyo Mombasa waxay hadana mar kale u suura geli weyday inay garoonka ka degaan,hoos ka daawo muuqaalka sida wax u dhaceen.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka