Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka somaliya oo geeriyooday

lle ha u naxariisteen Axmed Abroone Amiin oo horay u soo noqday guddomiye ku-xigeenkii baarlamaankii TNG-da dowladda uu hogaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Axmed Abroone Amiin ayaa ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Baarlamaankii Carte lagu soo dhisay, waxaa xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde.

Mid ka mid ah ehelladiisa ayaa warbaahinta u sheegay in geerida marxuumka oo saqdii dhexe ee xalay geeriyooday, kaddib xanuun deg deg ah oo ku soo booday.

Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin ayaa soo noqday Xildhibaan dowladdii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti, waxaa uu ahaa Guddoomiye kuxigeen Baarlamaan.

Sidoo kale waxaa uu muddo 100 maalmood uu dalka ka ahaa Ku sime madaxweyne, iyadoo tan iyo sanadkii 2000 aanu ka bixin dalka.