Gaas waa geesi waana quwad (Tamar) dabiici ah.WQ.C/Waaxid C/Laahi Khaliif

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Geesinimada Gaas waxaa muujinaya ka-degitaankiisii Cadaado si uu uga qeybqaato caleemo-saarka Xaaf! Dad badan waxay soo xasuusisay markii C/laahi Ciise la rabay inuu ka qeybgalo shir dibadda ah oo UN-ku qabanayeen dabadeedna loo sheegay inuusan C/Laahi Ciise bixi karin illaa uu is tallaalo! Weli waxaa waddanka sii maamulayey Talyaaniga! Muure oo xoogaa u ekaa C/Laahi baa goostay inuu inta C/Laahi iska dhigo isa soo tallaalo soona qaato warqaddii caddeyneysey in C/Laahi is tallaalay sidaasna C/Laahi Ciise isagoo Soomaali metelaya ugu safray dibadda. Waxaa laga baqayey in Talyaanigu sun ku duro C/Laahi Ciise! Muure oo aan ku qabiil ahayn baa yiri: intii C/Laahi Ciise la sumeyn lahaa aniga ha lay sumeeyo! C/Laahi Ciise iyo Muure waxay kasoo kala jeedeen qabiillada Xaaf iyo Gaas! Maxaa dad saas ah loo waayey?

Dad baa sidoo kale xusay heshiiskii dhexmaray Maxamed Faarax Caydiid iyo C/Laahi Yuusuf ee ku aaddanaa wada-degga Mudug. Si kastaba ha ahaatee, anigu shakhsi ahaan waan soo dhoweynayaa safarka ku tagay Cadaado. Waxaana rajeynayaa inuu hormuud u noqdo dib-u-heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda ah. Anigu bishii Maarso baan qoraal iyo waraysiba ku sheegay in loo baahan yahay in dowladda iyo Shabaab furaan wadahadal! Dad badan baa u arkay wax qariib ah! Ma jirto cid wadwadday hindisahaas oon ka ahayn ergiga gaarka ah ee xoghayaya guud ee qaramada midoobay, Michael Keating iyo iyadoo hadda la sheegayo in dowladda Qatar u kala dab qaadayso Shabaabka iyo dowladda. Meeye saxaafaddii la rabay in arrintaas muhiimkaa ka hadasho ooy u horreeyaan VoA iyo BBC laamahooda Afsoomaaligu?

Soomaalidu waxay gaas u taqaan (kerosene/paraffin). Waa gaaskaan feynuusaha ku shidan jirnnay ama showladda cuntada lagu karsado. Gaaska qaarkii waxaa loo isticmaalaa diyaaradaha iyo gantaalada qaarkood. Gaaskaan ka hadlayo waa midka dabiiciga ah ee afka qalaad lagu dhaho natural gas!

Gaaskaas dabiiciga ah waxaad u isticmaali kartaa sayniska oo shaybaarkaa loo adeegsadaa . (Bunsen burner). Alxanka iyo farsamada gacanta. Korontaa laga dhashaa. Guryaha iyo xafiisyadaa lagu kuleyliyaa! Cuntadana waa lagu karsadaa sidaan ku aragnno maqaayado badan oo xitaa Soomaaliya ku yaal!

Gaaskaas dabiiciga ah intaad heysato kaagama baahna sidii qoryihii inaad jajabiso ama sida dhuxusha cabbaar afuufto! Keliya qaraf buu rabaa! Ha ahaado kabriid/tarraq ama xitaa haddaad laba dhagax isku xoqdo iftiinkaas ka duula baa daari kara gaaska dabiiciga ah! Sida gaaska feynuusta uma baahna liifad! Gaaska feynuustu qaraf laftiisu waa rabaa laakiin liifad buu rabaa!

Madaxweyne Gaas wuxuu leeyahay waxaa iga guuxaya mashaariic iyo waxqabad ee gacan isiiya oo qaraf ii noqda! Waxay dhahaan:

  • Inkastoo nin geesi ah
  • Raggu geed adeyg yahay
  • Haddaan garabka lala qaban
  • Guri oodi maayee

Gabyaa baa lahaa

  • Gumuc leeb la’aan kuma qarxee, nagu gargaarsiiya

Ma fiicna in dadka afka wax loo gasho. Xitaa qofka oo dhibban waa inuu wax isku dayo. Waxaad Qur’aanka ku arkaysaa Maryam (CS) markii fooshii u dhib gelisay inay isku tiiriso jirridda geed timireed waxaa Qur’aan sheegay oo lagu yiri:

وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا

Xaggaaga u rux jirrida timirta waxay kuu soo rideysaa timir rudab ah oo bislaatay!

Waa la garan karaa in jirrida geedka timirtu weyntahay laakiin keliya waxaa Maryam ku filneyd inay xarako uun sameyso oo inta jirrida gacmaha la aaddo isku deydayo inay ruxdo. Ilaah baa u sahlay! Waxaan ka baran karnnaa inaan wax isku deynno.

Maxaa gaaska dabiiciga ah la ur qurmuun yahay?

Waxaa u baahan in lays xasuusiyo waa in gaaska dabiiciga ah een ka hadleynno een Prof. Gaas ku sifeynnay uusan lahayn ur iyo midab toona! Urkaan ka urinno gaaska dabiiciga ah waxaa keenay maaddo lagu daray oo afka qalaad lagu dhaho Mercaptan. Waa walaxdaas waxa keenay urkaas qurmuun ood mooddo khudaar quruntay oo kale! Urkaas waxaa looga faa’iideystaa in la dareemo hadduu jiro gaas aan guban oo baxay, lana xiro meeshuu ka soo baxayo! Haddaan maaddadaas lagu dareen lama uriyeen gaaska fakaday oo guriga buuxshay waxaana dhici karta markaad damacdid inaan nalka shiddid in gurigii gaasku ka buuxay gubto ileyn gaaska dabiiciga ah qaraf keliya buu ku shidmaa!

Gabyaa baa la haa:

  • Cindigaad u roon tahay sidii caano saafiyahe

Maxaa C/Weli oon ku sifeynnay inuu saafi yahay sida gaaska dabiiciga ah ama caano dhay ah ka dhigay inuu sidii la rabay wax u dhaqaajin waayo? Faarax-gololey Allaha u naxariistee baa laga sheegay in iyadoo madaxdii Soomaalidu shir u fadhido, Macallinkii Kacaankuna joogo dalbaday in loo keeno caano iyo liin! Dabadeena madaxweynihii buu ku yiri: hadalkaagu markuu kaa soo baxo waa caanahaas saafiga ah oo kale. Kaddibna inta Faarax liintii jeexay buu ku daray caanihii isagoo leh laakiin markuu hadalkaasi xafiisyada gaaro wuxuu noqdaa caano liin lagu daray oo kale! Qof kastoo xafiis jooga sidii la rabay wax uma qabto sidaas darteedna wixii la qaban lahaa iyagaa ragaadsha!

Saasoo kale baad mooddaa inuu C/Weli leeyahay waxaa urkaas ii yeelay waa dadka ila shaqeynaya iyo weliba odayaal iyo shacab kale oo bahallo noqday oo uun kuula imaanaya dantooda khaaska ah oo keliya! Lama hayo dad badan oo qaranimo iyo waxqabad daneynaya .

Waxaa kaloo dhici karta in la-taliyayaashiisu odayga ciilaan! Waxaa la yiraahdaa haddaad sameysato la-taliyayaal xun waxaad la mid tahay adoo biyo maquuray/quusay? Soow neeftu kugu dhegi meyso? Waxaan ciriiri iyo dhib ahayn ka faa’iidi meysid! Wuu wanaajiyey gabyaagii ka hadley qofka wax loo dirsado ama talo laga dhageysto:

إذا كنت في حاجة مرسلا           فأرسل حكيما ولا تـــــــوصه
وإن ناصح منك يوما دنا           فلا تنـأ عنه ولا تقـــــــصــــه
وإن باب أمر عليك التوى             فشــــاور لبيبا ولا تعــــــــصه

  • Hadday xaajo la rabo in la furdaamiyo kula soo gudboonaato u dirso qof xakiim ah hana u dardaarmin siduu wax u qabanayo (ileyn isagaa xakiim ahe)
  • Haddii maalin uun qof naseexo kuu wada kuu soo dhowaado; hana ka fogaan hana fogeyn.
  • Haddii albaabadu iska kaasoo xirxiraan oo talo cuyuuban kugu noqoto la tasho qof caqli leh hana diidin taladiisa!

Waxaan ku talineynnaa in madaxweynaha Puntland iska fogeeyo waxaa gaaskaas dabiiciga ah een urka lahayn qurminaya, ama caanaha saafiga aha ka dhigaya kuwo go’ay; ha una diyaargaroobo in ummadda Soomaaliyeed la heshiisiiyo. Tagidda Cadaado waa bilow fiican. Fari kama qodnna dib-u-heshiisiintii Soomaalida! Anigu Shabaabka iyo dowladdaan ugu baaqay wadahadal. Puntland lafteedu waa inay wadahadal la gashaa Shabaabka!

Dadweynahana waxaan leennahay war odayga mashaariic iyo tamar baa ka buuxdee aan qaraftaas keliya la nimaadno oon daarnno. Gaaskaas dabiiciga ah haddii la daaro uma damayo iskiis ilaa uu dhamaado ama la damiyo!

C/Waaxid C/Laahi Khaliif

Abdulwahidkhalif@hotmail.com