Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Buuraha Galgala

Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay toga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala gobolka Bari Puntland shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.
 
Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay warkan ku saabsan in qaraxaasi uu dhacay abbaaro 5 30-kii gelinkii dambe ee shalay, ka hor xilliga afurka.
 
Baabuurka qarxay aya ku socday buuraha Galgala.
 
Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada difaaca Puntland iyo maleeshiyaad ururka argagixisada ah ee al-Shabaab,
 
Mleeshiyadaas ayaa bartilmaameedsada gaadiidka shacabka iyo kan Ciidamada difaaca Puntland.inakstoo awoodoodu la wiiqay ciidmaduna ka saareen deegaamada Buuraha Galgala hadana waxay mar mar fuliyaan weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo.