Video:-Diyaarad maraykanka laga leeyahay oo ku burburtay garoonka Aadan-cade ee muqdisho

Waxaa si caadi ah ku soo laabtay howlihii ka socday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde , kadib markii uu xoogaa hakad ku yimid howlihii garoonka, taasi oo ka dambeysay diyaarad ku bur burtay wadada diyaaradaha ay adeegsadaan (Run way).

 Diyaaradda oo ay leedahay Shirkada Bancroft ayaa la xaqiijiyay  inaysan ka dhalan wax qasaaro ah, maadaama ay waday cargo, ayna ka badbaadeen howlwadeenadii diyaaradda saarnaa.

Diyaaradda ayaa markii hore soo gudbisay Fariin deg deg ah oo ay ku sheegeyso cilada heysata oo aheyd in diyaaradda ay lugaha u bixi waayeen, balse ugu dambeyn waxay ku burburtay garoonka.

Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka iyo la talinta amniga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka