Video:-Gaas iyo Xaaf oo sheegay in ay ka heshiiyeen colaadii Mudug

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa Maanta sheegay in ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado.
 
Inkastoo aan lasoo bandhigin ama aan saxaafad la tusin heshiis qodobaysan oo rasmiya oo ay kala saxiixdeen labada dhinac,hadana waxay Gaas iyo Xaaf ksuoo koobeen hadalkooda in ay heshiiyeen.
 
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa yiri”iWaxaa jiri doona kulamo kale oo lagaga arinsanayo sidii loo soo afjari lahaa Colaada Gobolka Mudug,isla markaana waxaan dhisi doona Guddiyo kasoo shaqeeya Nabadaynta bulshada walaalaha ah ee kunool Gobolka Mudug”
 
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhankisa yiri” Waa soo dhamaaday mad madowgii iyo khilaafkii ka dhexeeyey Galmudug iyo Puntland,hada waxii ka danbeeyana waxaa loo guntanayaa sidii meel looga soo wada jeesan lahaa soo afmeerida Colaada Gobolka Mudug”
 
Gaas iyo Xaaf oo ay weheliyaan madaxda maamulada kale ee fadaraalka ayaa socod kusoo dhexmaray gudaha magaalada Cadaado,si ay u muujiyaan midnimo iyo isku soo dhawaansho.
 
Isku soo wada duuboo waxaa ugu muhiimsan ee kasoo baxay kulanka Gaas iyo Xaaf,ayaa lagu tilmaami karaa muujin niyad wanaag.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka