Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Agaasimaha madaxtooyada Villa Somaliya

Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Villa Somaliya Fahad Yaasiin.
 
“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”
 
Madaxweynaha oo hadalkisiii sii wata,ayaa u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan Balle ”Waxuu Abuukar shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa,waana uga mahadcelinayaa shaqadii wanaagsanayd ee soo qabtay”ayuu yiri madaxweyne farmaajo.
 
Fahad Yaasiin,ayaa ah wariye ka tirsanaa tv-ga Aljazeera qaybtiisa afka carabiga ku hadasha,sidoo kale waxaa fahad lagu tilmamaa nin galgal badan oox iriir la leh sirdoonka Qadar.
 
Fahad waxuu door muhiim ah kulahaa soo bixidii madaxweynihii hore Xasan Shiikh,si gaar ah waliba waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa ninkii keenay lacagtii lagu doortay Xasan Shiikh,sidoo kale waxaa hadana lagu xantaaa in uu Farmaajo soo bixidiisa door kale oo muhiim ah kulahaa.
 
Magacaabidiisa Agaasimaha madaxtooyada Villa Somaliya waxay ka dhigan tahay in Damajdiid saamayn xoog leh ku dhex yeesheen dawlada madaxweyne farmaajo.
Halkan ka akhriso wareegtada