Sawiro:-Laamaha amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay qaraxyo waa weyn iyo ragii watay

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa markale ku guuleystay qabashada Gaari candho-maydle nooca ay Soomaalidu u taqaan oo siday qudaar.islamrkaana lagu soo dhex qariyey Qaraxyo waaweyn iyo laba nin oo sida ay saraakiishu sheegeen ah nimankii watay qaraxyadaa .
 
Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha sarana laga saaran bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho.
 
Ciidamada amaanka dawladda Puntland,ayaa ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
 
Ciidamada ayaa soo bandhigay gaarigan oo sidda waxyaabaha qarxa, waxaana laga badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso.
 
Sidaas oo kale waxaa gacanta lagu hayaa wadihii baabuurkan iyo shaqsiyaad la socday oo ay hadda baaris ku wadaan ciidamada dawladdu.
 
Waa talaabo ay aad ugu farxeen shacabka Puntland,laamaha amaanka Puntland ay amaan iyo bogaadin ku heleen.