Video:-Ra’isalwasaare Khayre oo kormeeray Taliska Booliska fadaraalka iyo Academiyada Jeeral Kaahin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada fadaraalka somaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
 
Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliska,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka