Dhagayso:-Soomaaliya oo 30-sano kadib ka mid noqotay shir gudoonka WHO

 

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ku fariisatay kursiga Agaasime ku xigeenka shirguddoonka hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka WHO kadib muddo 30 sano ah.

Wasiirka Caafimaadka dowlada federalka Soomalaiya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa noqotay agaasime ku xigeenka shirguddoonka hay’ada WHO waxayna ka qeybqaadatay codeynta Madaxa guud ee Caafimaadka Adduunka ee WHO oo dhowaan loo doortay Dr. Tedros Adhanom Asbuucii hore.

Soomaaliya ayaan codeynin muddo dheer, kadib markii dhaqaalo lagu yeeshay ay ka hor istaagtey inay cod yeelato. Laakinse dowlada Soomaaliya oo bixisey dhaqaalahaasi qeyb ahaan ayaa suurtagalisey in dowlada Somalia ay cod yeelato.hoos ka dhagayso codka wasiirada.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka wasiirada caafimaadka