Dhagayso:-Wasaarada amniga Puntland oo kala dirtay talyayaasha Kayntaroolada Mudug iyo Nugaal

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,ayaa si adag uga hadlay qaraxyadii Bosaso lagu qabtay.
 
Qarjab ayaa amar ku siiyay dhamaan talyayaasha ciidamada in ay xilalka ka qaadaan saraakiisha hogaamisa kayntaroolada Puntland ee ay soo dhaafeen Gaadiidka waday qaraxyada lagu qabtay Kayntaroolka Bosaso.
 
”Qarjab waxaan wacad ku maraynaa in uusan Puntland soo galin Gaadiid xamuulka saaran aan dhulka la dhigin oo la baarin,kharshka dajinta iyo raridana waxaa sika bixinaya cida gaadiidku u raran yahay”ayuu yiri Qarjab.
 
Dhanka kale Wasiirka amnigu waxuu u hanbalyeey ciidamada amniga ee Gobolka Bari ee qabtay dhawr jeer oo isku xiga qaraxyo waa weyn oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka Puntland,hoos ka dhagayso codka wasiirka amniga.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka wasiirka