Sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan oo isku soo dhiibya dawlada fadaraalka ah

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa KNN u xaqiijiyay in uu maanta isku soo dhiibay nin ay ku sheegeyn in uu ka tirsanaa Taliyaasha Sare ee Al-shabaab.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee G/Hiiraan ayaa Sheegay in maanta uu isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo kaas oo ka mid ahaa Hogaamiyaasha Ciidanka ee Al-shabaab.

Milatariga Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Sarkaal isku soo dhiibay lagu  Magacaabo Bishaar Muumin Faarax kaas oo meelo badan ka soo hogaamiyay Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ma jirto cid Dowladda Ka Madax-banaan oo Arintaasi xaqiijin karta sidoo kale Ma jirto Wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo arintaan ku saabsan.