Xaaji Cariish oo lagu dhaawacay Gaalkacyo caawa

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa caawa lagu dhaawacay  magaalada Gaalkacyo.
 
Dilka ayaa ka dhacay xaafada Faluuja ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo sarkaalkaas oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish).
 
Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Goobta isaga baxsatay waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kuwaasoo meesha ka qaaday  dhaawaciisa.
 
”Dilka waxaa gaystay laba nin oo uu afku u duuban yahay,waxayna u carareen dhanka Baraxley,shacab caraysan oo cayrsaday ayaana mid dhaawacay ugu danbayna xaafada Baraxley ayay gudaha ugaleen”sidaa waxaa noo xaqiijiyay goobjooge.
 
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayaa saxaafada u sheegay in mid ka mid ah raga weerarka gaystay isagoo dhaawac ah ay qabteen horjoogayaasha xaafada Baraxley.
 
Ciidamada amaanka Puntland ayaa hada ka wada hawlgalo amaanka lagu xaqiijinayo. magaalada Gaalkacyo.