Qaybsiga Khayraadka Dabiiciga ah (KD) iyo Arrimaha la Xariira,WQ.Abdihakim Hersi

Wadankii nasiib u yeesha in laga helo, lagana soo saaro Khayraadka dabiiciga ah (KD), sida batroolka, gaaska-dabiiciga ah (natural gas), dhuxusha dhulka laga soo saaro (coal), iyo macaadinta, waxaa dhici karta in ay laba mid noqoto: a) In dakhligii laga helo KD si hufan loo maamulo, si cadaalad ah loo qaybsado, oo markaas ummadda oo dhani ka wada faaidaysato; b) ama in dakhligii si khaldan loo maamulo, si an cadaalad ahayn wax loo qaybiyo, inta xukunka haysata iyo inta ka agdhow ka faaidaysataan, ummadda inteeda kalena ka gaajaysnaadaan, taaso wadanka u horseedi karta khilaaf, colaad, iyo burbur.

Si looga badbaado inayna tan danbe dhicin, ugu yaraan dhawr wax yaalood ayaa muhiim ah in la helo:

 

  1. Inta an shirkado cilaaqaad lala gelin, baaritaan warkiisaba daa, waa in meel la isla dhigaa sidii wax loo qaybsan lahaa iyo sidii wixii dakhliga loo maamuli lahaa. Markii la helo muwaafaqo raali laga wada yahay, markaas ka dib waa in muwaafaqadaas dastuurka lagu qeexa, iyada dastuurka lagu qeexayo dhawrkii sanaba diib u fiirin lagu suubsho.

 

  1. Waxaan kaloo is leeyahay markii meel wax la isla dhigo, in la yagleelo guddi madax banaan oo isku dhaf ah, kaas oo muhimadiisu tahay inay isha ku hayaan sida wax soo saarku yahay, dakhliga la helay intuu yahay, iyo sida loo qaybsaday, oo ay lixdii(6) bilood ama sanadkiiba ay ka soo saaran war-bixin.

 

  1. Maamulida mashruuca waxaan qabaa inay wadajir u wadaagaan dawlad goboleedka (DG) deegaanka wax laga soo saarayo iyo dhawladda dhexe oo kaliya.

 

  1. Waxa muhiim ah in DG iyaguna suubsadaan gudiyo madax banaan oo la socda dhaqaalaha laga helayo KD, ama deegaankooda ha laga soo saaro ama deegaan kale ha ka yimaadaan, iyo waxa lagu bixinayo. Dhaqaalaha noocas oo kale waa in loogu tala galaa in shacabku helo: biyo nadiifa, koronto, wax barasho, xeryo caafimaad, nadaafeynta magaalooyinka, warshadynta deegaanka, kor u qaadida baadka, biyaha, iyo caafimaadka xoolaha la dhaqdo oo ilaa iyo maanta ah laf dhabarka dhaqaalaheena, jidadka magaalooyinka dhex mara iyo kuwa isku xira deegaanada kale ee DG, iwlm.

 

  1. Dawlad goboleedka dhulkeeda wax laga soo saarayo waa in ay dakhliga soo baxa saamigeeda toos u heshaa. Meesha dawladda dhexe u qaybinayso saamigooda.

Marka ay noqoto qaybsiga khayraadka dabiiciga (KD) ah waxaa muhiim ah mar walba in si mug weyn loogu sadburiyo maysha KD laga soo saarayo, sababaha soo socdo awgood:

  1. Lahaanshaha deegaanka laga soo saarayo KD ayaa mudan tixgalin gaara in la siiyoo dadka iyo dawladda goboleedka deegaankaas (DG) oo ay ku helaan qadar sadbursi ah.

 

  1. Degaanka laga soo saarayo KD, ha noqoto dhanka berriga ama badda, waxa dhacaysa dadyowgii ku noola kana manaafacaadsanjiray degaankaas inay la soo darsaan dibaatooyin dhaqaale. Oo kii berriga ku noola laga barakiciyo carraduu ka ab ka ab ku noola, kii badda ka kallumeysan jirayna ay dhacdo inuu la tartamo shirakado waa weyn oo kallunka uu sanad ku dabi jiray ku soo dabaya saacado. DG deegaankaas waxay mudantahay sadbursi gaara in laga siiyo dhaqaalaha ka soo baxaya KD ee laga soo saarayo degaankeeda si ay dadyawgaas dhibaatadu soo foodsaartay wax uugu qabato.

 

  1. Deegaanka laga soo saarayo KD, khaasatan batroolka, gaaska-dabiiciga ah, iyo macaadinta, inkastoo dhaqaale badan laga helo markii la soo saaro oo la suuq geeyo, hadana soo saarkoodu dhibaatooyin badan ayey biiadda u gaystaan, khaasatan biyaha la cabo iyo hawad lagu neefsado, oo dabadeedna wax yeelayn kara caafimaadka dadka iyo duunyada deegaankaas. DG waxay u baahnaanaysaa dhaqaale ay ku sifayso biyaha la cabayo iyo dhaqaale ay kor uugu qaado caafimaadka degaanka. Sadbursi kale uugu dar meesha wax laga soo saarayo.

 

  1. Dhibaatooyinka kale ee ay dhaartahay degaanka wax laga soo saarayo deegaanada kale waxaa ka mida sicir-barar. Deegaanka laga soo saarayo shidaalka ama macaadinta waxaa ka shaqaynaya oo iskugu imaanaya shaqaale badan oo mushahaarkoodu wax badan ka badan yahay kan la siiyo shaqaalaha deegaanka, sida macalinka, askariga, kuw ka shaqeeya xaafiisyada dawladda deegaanka. Marka waxaa dhacaysa in kiradii guryaha iyo maciishadiiba cirka isku shareeraan, shaqaalahaan shirkadda awgeed. DG Khasab ayey ku tahay inay wax ka qabato oo ay iyaduna kor uqaado mushahaaradka ay siinayso shaqaalaheeda degaanka.

 

  1. Dhanka kale u rog. Markii uu qiimihii shidaalka ama macaadinta uu hoos u dhaco, oo dhaqaalihii laga heli jiray hoos u dhaco, shaqaalihii ad mushahaarka u kordhisay shalay si ay uula qabsadaan nolosha meesha taal, maxaad maanta oo dhaqaalihii hoos u dhacay ku furdaaminaysaa? Waxaan ka hadlayo ma aha wax mala awaal ah oo idinkuba wada argataan maanta waxa ka taagan adduunka dhinaca batroolka. Bal fiiri wadamada dhaqaalahoodu ku xirna inta badan batroolka sida ay ahaayeen shalay markuu qiimaha fuustada batroolka ah ay ahayd in kabadan boqol doolar iyo sida ay yihiin  maanta oo uu dhex heehaabayo afartan ilaa konton doolar.

 

  1. Ka daroo dibi dhal. KD, khaasatan batroolka, gaaska-dabiiciga ah, iyo macaadinta waa kuwa lagu sifeeyo inay suulaan oo dhamaadaan (Non-renewable). Waxay qaadata boqolaal kun ama malaayin sano si ay mar kale dib usoo noqdaan. Kallunka iyo dhirta laga suubsho alwaaxda oo ka mid ah KD waxaa lagu tilmaamaa kuwa an suulin oo hadba markii la isticmaalo dib loo soo cusbooneyn karo (Renewable). Balse qudhooda haddii an si xaddidan oo nidaamsan loo maarayn waxaa dhici karta in la xaalufiyo oo ay maalin maalmaha ka mid ah iyaguna suulaan. Markii ay KD ka suulaan degaanka laga soo saaro, dabcan waxay saamayn weyn ku yeelanaysa wadanka oo dhan, balse waxay si gaar ah u saamaynaysaa gobolka ama degaanka laga soo saari jiray. Waayo waa wax shalay iyagu si gaar ah ay u lahayeen, wallow la wada manaafacaadsanayey, maanta aynan haysan.

 

Intaas an kor ku soo xusay iyo inkaloo badan oo dhibaata ah ayaa u gaar ah degaanka laga soo saarayo KD. Ugu yaraan waxaan isleeyahay degaankaasi waa inuu helaa 50% marka wax la qaybsanayo, dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada kalena qeybsadaan 50% soo hara.

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin

Abdihakim H. Hersi

Dhagaseynblog.wordpress.com