Agaasimihii maamulka ee wasaarada cadaalada Puntland oo geeriyooday

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun alle ha u naxariisto waxaa maanta ku geeriyooday magaalada garowe Agaasimihii maamulka ee wasaarada cadaalada iyo Arimiha Diinta Puntland.
 
Marxuumku wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii lagu asaasay Dowlada Puntland 18 sano ka hor 1998-dii,wuxuuna ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo cibaado.
 
Waxaan alle uga baryaynaa hadaan nahay bahda idilnews in uu Janatu fardowsa ka waraabiyo.
 
Wxaan Tcasi udiraynaa guud ahaan shacabka Puntland,gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.