Alshabaab oo markale weeraray Saldhigii Ciidamada Kenya ee Kulbiyow

Wararka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku yaal bannaanka magaalada Kulbiyow.

Dhawr qarax ayaa laga maqlay saldhigaasi, ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerrarkaasi uga jawaabeen madaafiicda culus.

Horraantii sannadkan tobonnaan ciidammada Kenya ah ayaa la dilay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan xooggaga Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay guluf weerar ku ekeeyeen saldhigaas.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkan maadaama ay weli go’an tahay isgaarsiinta deegaankaasi Kulbiyow.