Dawlada Shiinaha oo ugu deeqday Soomaaliya Deeq Raashin ah

Deeqdan ayaa ka timid dowladda Shiinaha taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo boqolaal kamid ah dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen kuwaas oo u baahan gargaar deg deg ah.
 
In ka badan 2,821 ton oo bariis ah ayaa Soomaaliya ay keeni doontaa hey’adda qaramada midoobay u qaabilsahn cuntada ee WFP, xilli wadanka Afrika dhinaceeda bari ku yaala uu wajahayo mid kamid ah xaaladaha bani’aadanimo tii ugu xumeyd taas oo ka dhalatay abaarta.
 
Deeqdan dowlada Shiinaha u soo dhiibtay WFP ayaa ka dambeysay balan qaadkii Shiinaha oo ahaa in kaalmo raashiin ah bixin doono kaas oo uu kaga dhawaaqay shirkii bishii la soo dhaafay lagu qabtay caasimadda dalkaas ee Beijing. Gargaarkan ayaa la soo marin doonaa wadadda Shiinaha dhowaan sameeyay ee loogu magac daray jidka xariirta iyadoo muddo 35 maalmood gudahood Soomaaliya ku soo gaari doono raashiinka.
 
Hey’adda qaramada midoobey ee cuntada (WFP), ayaa mas’uul ka ah in raashiinkan uu gaaro dadka loogu talagalay, sida uu sheegay mid kamid ah dadkii ku deeqay raashiinka.
 
Waa markii ugu horeysay oo hey’adda WFP raashiin ka iibiso gudaha Shiinaha kuna iibiso lacag dowladda Shiinaha ku tabarucday.
 
Raashin ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo ku dhowaad 223,500 oo ruux kuwaas oo ku kala sugan 18 deegaan oo kamid ah goobaha abaartu saameysay, waxaana la bixin doonaa ilaa afar bilood.