Diyaarad gargaar waday oo ku burburtay Garbahaarey

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad u rarneyd Hey’adda WFP ayaa ku bur burtay magaaladaas, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
 
Diyaaradan oo ka kacday magaalada Muqdisho ayaa siday raashin gargaar ah oo u badnaa cuntada nafaqada iyo daawo, waxaana ay ku bur burtay meel ku dhow Garbahaarey.
 
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaaradan ay gebi ahaanba bur burtay, ayna gubatay.
 
Waxaa uu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sababta keentay bur burka, waxaana goobta ay ku bur burtay gaaray ciidamo.
 
Labo qof oo diyaarada saarnaa ayaa la sheegay inay bad-qabaan oo ay diyaarada ka boodeen, ka hor inta aysan bur burin.