Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo ku baaqay shir madaxeed wadamada IGAD oo deg-deg ah

Madaxa IGAD ayaa si dhaqso ah lugu wadaa inay ku gaaran xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas oo la filayo kulan ay hoggaamiyeyaasha ururka ay leeyihiin inuu ka furmo.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Hailemariam Desalegn ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo ay madaxda IGAD ka yeelanayan xaaladda cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan.

Kulanka deg dega ah ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqay,wuxuu ka dambeeyay markii qoraal uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya u diray madaxweynaha Koofurta Sudan,Salva Kiir oo sheegay in wali uu sii socdaan dagaallada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.

Ra’iisal wasaare Desalegn oo ah madaxa urur-gobolleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Sudan, isla markaana madaxda gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Wuxuu walaac ka muujiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya xaaladda bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suudaanta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Shir uu ku baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa furmaya Isniinta toddobadkan oo ku beegan 12 bishan,waxaana ka qaybgalaya toddobo dal oo ku mideysan urur-gobolleedka IGAD.