Video:-Mudaaharaadyo rabshado wata oo ka socda Kabul

Magaaladda Kabul ee caasimadda Afgaanistan ayaa ku jirta xaaladd cakarin maalin ka dib ciidamadda Booliiska ay rasaas ku fureen dad dibadbaxayaal ah iyagoo dilay shan qof.

Dabaabadka dagaalka ayaa gaaf-wareegaya badi wadooyinka magaaladda iyadoo la xiray jidadka gala xarunta madaxtooyadda.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa shir gudoomiyana kulan deg deg ah oo uu la leeyahay saraakiisha sar sar ee xagga amaanka si baaritaan loogu sameeyo cidda masuulka ka ah dilkii dhacay Jimcihii.

Ku dhawaad sadex boqol oo qof ayaa mar kale dibadbaxaya, kuwaasi oo Mr Ghani ka dalbanaya in uu iscaliso, waxay ka caraysan yihiin xasilooni la’aanta dalka ka jirta sadex maalin ka dib markii baabuur waxyaabaha qarax baabuur lagu dilay sagaashan qof,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka