Warar dheeraada oo laga helayo weerarkii alshabaab Saldhiga ciidamada Kenya ee kulbiyow

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhex weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya ee AMSIOM iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobbolka Jubbada Hoose.
 
Goobjoogayaal ku suggan deegaanka Xaluuqo ee dalka Kenya oo u dhow deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Kulbiyoow ay iska caabin kala kulmeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM.
 
Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku jawaabeen madaafiic culus, taasoo sababtay in Maleeshiyaadkii Alshabaab ay dib u gurasho sameeyaan.
 
Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Kulbiyoow, waxaana wali hawada ka maqan Isgaarsinta deegaanka Kulbiyoow.
 
Dhanka kale taliska AMISOM ee Somaliya,ayaa war kasoo saaray weerarka maleeshiyada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Gobolka jubada Hoose ee Jubaland.
 
Warka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 6-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada l-shabaab ay Saldhiga Ciidamada Kenya ay kusoo rideen 1- RPG, qoryaha AK47 iyo qoriga loo yaqaano PKM islamarkaana ay ku yimadeen dagaalyahanadaan wada Badade weerarna ay isku diyaarinayeen.
 
“AMISOM waxa ay xaqiijinaysaa in waxba kama jiraan ay yihiin wararka warfaafinta ay baahisay ee ku aadan in Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Kulbiyow, dagaalyahano yar ayaa weerarkaas halkaas kusoo qaaday waana la jabiyay”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.
 
Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa horraantii sanadkan weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada KDF ku leeyihiin Kulbiyoow waxay ku dileen tobannaan ka tirsan ciidamada Kenya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.