Madaxweyne Gaas oo isku shaandhayn balaaran ku sameeyay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland

Wararka ka imaanaya madaxtooyada Puntland ayaa tibaaxaya in madaxweyne gaas isku shaandhayn balaaran ku sameeyay masuuliyiinta maxkamada Puntland.
 
Madaxweynuhu waxuu xilkii ka qaaday loona wareejiyay meel kale gudoomiyihii muhiimka ahaa ee maxkamada ciidamada qalabka sida ee shanta Gobol Cabdifitaax Xaaji Aadan,iyadoo loo wareejiyay Garsoore ka tirsan maxkamada sare.
 
Dhanka kale guud ahaan masuuliyiintii Maxkamadaha Puntland ayaa qaarna la dalacsiiyay qaarna laysku badalay,sidoo kale masuuliyiintii maxkamadaha ayaa isku shaandhayn balaaran lagu sameeyay,iyadoo kuwii Mudug loo badalay Nugaal,kuwii Nugaaleed loo badalay Bari,kuwii Bari loo badalay Mudug.
 
Talaabadan ayaa madaxweynuhu uga gol leeyahay dib u habaynta garsoorka Puntland ee dayacan,balse dadka la socda xaalada garsoorka ayaa ku tilmaamaya mid aan wax badan soo kordhinayn dayacii taagnaana aan wax ka badalayn.