Sawiro:-Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay muqdisho

Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee dawlada madaxweyne Farmaajo,ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
 
Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qaybaglay in ka badan sodon kun oo qof oo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho.
 
Banaanbaxan ayaa waxaa ugu horayntii khudbad qiimo leh ka jeediyay RW khayre.
 
Rw Khayre ayaa kusoo bandhigay khudbadiiisa waxqabadkii lixdanka maalmood ee ay jirtay xukuumadiisa.
 
Khayre arimaha uu xusay ee uu sheegay in ay ku guulaysteen ayaa ka mid ah:-
 
 
A.Xoojinta amniga iyo xasilinta Xamar
 
B.Sare uqaadida dakhliga dawlada.
 
C.La dagaalanka musuqmaasuqa.
 
D.Xoojinta nidaamka dawliga ah.
 
 
Dhanka kale waxaa isaguna khudbad qiiro wadaniyadeed lahayd ka jeediyay banaanbaxa madaxweyne farmaajo.
 
Madaxweyne farmaajo ayaa khudbadiisa u badnayd dhiiraglinta shacabka,ku baraarujinta bulshada soo celinta nidaamka dawliga ah sida uu muhiim u yahay..
 
Farmaajo arimaha uu xusay,ayaa waxaa ugu muhiimsanaa:-
 
A.Fulinta balanqaadyadiisii xiliga doorashada
 
B.Hubka dhigista xamar ka socota
 
C.Cadaalada iyo dib u habaynteeda.
 
 
Isku soo wada duuboo banaanbaxan ayaa u dhacay sidii loogu talagalay,waxuu banaanka soo dhigay sida shacabka muqdisho ugu qanacsan yihiin hawlaha socda ee ay wado dawlada madaxweyne Farmaajo hogaaminayo.
 
Waxuu dharbaaxo ku ahaa kuwa kasoo horjeeda dawlada,isla markaana diidan hubka dhigista socota iyo guud ahaan hawlaha dib usoo celinta nidaamka dawliga ah.